26.6 C
Mogadishu
Friday, December 5, 2025

Diiwaan galinta msharaxiinta oo maanta ku eg (Imisaa bixiyey lacagta?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah lasoo gabagabeeyo diiwaangalinta Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweyne.

Diiwaangalinta Musharaxiinta ayaa bilaabatay January 26, 2017, ayaa Guddiga Doorashooyinka heer Madaxweyne ay sheegen in diiwaangalinta Musharaxiinta ay ku egtahay maanta oo Axad ah kuna beegan January 28, 2017.

Guddiga ayaa sheegay in ilaa iyo hadda ay is diiwaangaliyeen musharaxiin dhan 12 oo uu ku jiro Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud.

Musharaxiinta is diiwaangalisay ayaa waxaa laga qaaday min 30,000 oo dollarka Mareykanka ah, kadib markii go’aankaasi ay dejiyeen Labada Aqal ee dalka.

Guddiga ayaa sheegay in Musharaxiinta is diiwaangalisay ay ka hubiyeen lacagta diiwaangalinta isla markaana ay ku wareejiyeen Shahaadada Caddaynta Murashaxnimo.

Dhinaca kale, Musharaxiinta xilka Madaxweyninimo isku soo taagay ayaa ilaa hadda lagu sheegay inay gaarayaan 25 Musharax, waxaana lacagta is diiwaangalinta bixiyay 12 Musharax oo kamid ah 25 Musharax ee xilkaasi u taagan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News