Ma la waayey qof ka dhiidhiya gefkan cusub ee Michael Keating

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating ayaa mar kale ka hadlay Doorashada Heerka Madaxweyne ee Somalia, isaga oo sheegay in mowqifka Beesha Caalamka ee Doorashada Madaxeynaha uu yahay mid cad oo aan laheyn dib u dhac Doorasho.

Michael Keating, oo u hadlaya sida inuu yahay madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in ay qasab tahay in doorashada madaxweynuhu dhacdo waqtigii loo cayimay ugu dambeyntii.

Michael Keating, waxa uu ku goodiyey inaan la aqbali doonin sabab la xiriirta in Doorashada Madaxweynaha lagu dib dhigo, waxa uuna tilmaamay inay qadarinayaan Jadwalka kama danbeynta ah ee la dajiyay.

Michael Keating, waxa uu sheegay in kalsooni darro iyo wadashaqeyn la’aan ay ka dhalan doonto haddii ay dhacdo in la dib dhigo Doorashada heerka Madaxweyne ee Somalia.

“Ma jiri doonto sabab kale oo loo dib dhigo Doorashada Somalia waxaan ku qanci doonaa keliya in Doorashada Somalia ay dhacdo bisha soo socota 8deeda oo ay qabsadeen Guddoonka labada Aqal”

Hadallada Keating ayaa qeyb ka ah taxanaha uu ku caan baxay ee gefka iyo ku xadgudubka madaxbanaanida Soomaaliya, isaga oo mar walba faraha lasoo galo arrimaha u gaarka ah Soomaaliya.

Waxaa is-weydiin mudan, yaa siiyey Michael Keating awoodda uu Soomaalida ugu hanjabo uguna sheego xilliga ay tahay doorashada dalka inay ku dhacdo.

Ma waxay ahayd inuu codsado inaan doorashada dib loo dhigin, mase inuu soo saaro amarro uu ku sheegayo in waqtiga isaga ay la tahay aan dib loogu dhici karin.

Waa ayaan darro haysatay Soomaalida, waxaana la la’yahay hal siyaasi oo ka mid ah kuwa musharaxiinta ah ee Keating ku fariisiya kursiga uu mudan yahay una sheegay inuu dalka u madax baneeyo arrimahiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com