28.7 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Musharax kale oo tanaasulay kuna biiray taageerayaasha Shariifka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Maxamed Cabdullaahi Nuur Garguurte oo ka mid ahaa musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya, inkasta oo uusan si rasmi ah isku diiwaan gelin, ayaa ku dhawaaqay inuu ka haray tartanka oo uu tanaasauly.

Warsaxaafadeed uu soo saaray oo lasoo gaarsiiyey Caasimada Online ayuu Garguurte ku sheegay in go’aankan uu gaaray kadib wada-hadallo uu shalay magaalada Nairobi kula yeeshay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo isna ah musharax kale.

Waxa uu sheegay inuu taageeradiisa ku biirinayo Shariifka, isaga oo sheegay “In Shariif uu yahay ninka kaliya ee dib usoo celin kara xasiloonida dalka Soomaaliya”

Musharaxiin badan ayaa la filayaa inay tanaasul ku dhawaaqaan, maadaama kuwa rajada yar ay adag tahay inay bixiyaan 30,000 oo dollar, oo ay ogyihiin inay meel cidlo ah ku baxeyso maadaama ay gaaban tahay rajadooda.

Warqadda kasoo baxday Garguurta hoos ka aqriso.

[su_document url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2017/01/Scan0029.pdf” width=”700″ height=”1300″]

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News