Dil fool xun oo xalay ka dhacay gobalka Shabeelaha Dhexe

Wararka laga helaayo gobalka Sh/Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in xalay kooxo hubeysan ay ku dileen isaga oo Masjid ku yaala Basra ka soo baxaayo ruux dhalin yaro ah.

Kooxo Bistoolado ku hubeysan ayaa la sheegay in ay dileen ruuxaan isaga oo saalada Subax soo tugtay saakay deegaanka Basra Masjid ku yaala iyada oo aan la ogeyn sababta ka danbeysay dilkiisa.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ilaa iyo hada aan la ogeyn sababta ka danbeysay dilka ruuxaan waxa ayna sheegeen in uusan lug ku laheyn arimaha Siyaasada.

Ilaa iyo hada ma jirto cid loo soo qabtay dilka Ruuxaan waxaana meedkiisa goobta ka qaaday ehelada ruuxa la dilay oo soo gaaray halka uu dilka ka dhacay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dil loo geysto qof ka soo baxay Masjid iyadoo dadka ay is weydiinayaan sababta loo dilaayo ruux kasoo baxay Masjid.