Muqdisho (Caasimada Online) – Rag ku hubeysnaa bustoolado ayaa maanta askari ka tirsanaa ciidamada dowladda ku dilay meel u dhow hotelkii hore ee Lafweyn oo ku yaalla inta u dhaxeysa isgoyska Fagax iyo xaafada Siisii ee magaalada Muqdisho.
Dilka ayaa ka dhacay afaafka hore ee Baar Feeynuus oo xilligaas uu ku sugnaa askariga la dilay, sida ay goobjoogeyaal u xaqiijiyeen Caasimada Online.
Dilka kadib ayaa ciidamo booliis ah oo ku sugnaa meel aan ka fogeen halka dilka uu ka dhacay waxay toogteen mid ka mid ah raggii dilka geystay.
Ciidamada ayaa goobta waxaa ay ka qaadeen meydadka askarigii ka tirsanaa ciidamada dowladda iyo shaqsigii ka dambeeyey dilkaas, iyaga oo howlgal aan wax najiijo ah kasoo bixin halkaasi ka sameeyey.
Shalay ayay aheyd markii sidoo kale ciidamada booliska degmada Wadajir ay qabteen laba ka mid ah rag suuqa degmadaasi ku dilay askari ka tirsanaa ciidamada maamulka degmada Wadajir, kuwaas oo isku dayayay inay baxsadaan.
Si deg degta leh ee ay booliska uga jawaabayaan dilalka, ayaga oo durba qabanaya ama dilaya dableyda gaysata ayaa muujineysa sida waxqabadka booliska gobolka Banaadir uu sare ugu sii kacayo.
Halkaan ka Daawo Villa Somalia oo lagu helay musuq maasuqii ugu weynaa iyo Qaramada Midoobay oo tallaabo qaadeyso
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]