Muuse Biixi oo socdaal ku tagaya KENYA iyo xog ku saabsan cidda ka shaqeysay

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in uu socdaal ku tago magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Madaxweyne Biixi ayaa la sheegaya in uu dhamaadka bishan uu socdaal shaqo ku tagi doono dalka Kenya, inkasta oo xogta safarkaasi si rasmiya loo ogeyn, haddana ma cad in uu marti qaad uu ka helay Madaxweynaha Kenya uu ku tagayo.

Wararka laga helayo safarka Biixi ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in safarkiisa uu Kenya ku tagayo dhamaadka bishan ay ka soo shaqeeyen siyaasiyiin miisaan culus ku leh dalka Kenya.

Madaxweyne Biixi ayaa la filayaa in uu Nairobi kulan kula yeesho Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, taasi oo ka dhigaysa Biixi madaxweynihii saddexaad ee Somaliland, ee ay qaabilan madaxweynayaasha Kenya.

Safarkan la filayo in uu Madaxweyne Biixi ku tago dalka Kenya ayaa waxa uu ku soo aadaya xili ay hore u sheegeen siyaasiyiin Kenyan ah in Biixi uu socdaal ku iman doono Nairobi inta uusan dhamaan sanadkan.

Dowladda Kenya ayaa culeys weyn kala kulmeysa qaar kamid ah siyaasiyiinteeda miisaanka culus, kuwaasi oo ku cadaadinaya in Kenya ay sii xoojiso xiriirka ay la leedahay Somaliland.

Siyaasiyiintan oo qaarkood wasiiro ah ayaa xoojinta xiriirka Somaliland u arka tallaabo lagu cadaadinayo Dowladda Soomaaliya oo xiisad dhanka muranka badda ah ay kala dhaxeyso Kenya.

Halkaan ka Daawo Villa Somalia oo lagu helay musuq maasuqii ugu weynaa iyo Qaramada Midoobay oo tallaabo qaadeyso

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com