24.9 C
Mogadishu
Tuesday, July 8, 2025

Kulan xasaasi ah oo u socda mucaaradka iyo kooxda C6+

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan gaar ah oo u dhexeeyo wakiilada beesha caalamka iyo xubnaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee ay ku mideysan yiiin siyaasiyiinta mucaaradka ayaa haatan ka socda xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa goordhow fumrmay, waxaana looga hadlayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka weli ka taagan hannaanka doorashooyinka.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in kulanka uu si gaar ah u dhex-marayo ergada beesha caalamka ee C6+ iyo xubno kamid ah Madasha Samatabixinta, iyada oo shirkan uu daba socdo labadii kulan ee dhex-maray Madaxweyne Xasan iyo siyaasiyiinta kasoo horjeeda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, xubnaha mucaaradka ayaa wakiilada beesha caalamka ee C6+ la wadaagaya halka ay mareyso xaaladda, maadaama illaa iyo haadda aan wax heshiis ah laga gaarin ajandayaashii ay ka doodayeen labada dhinac.

Sidoo kale ilo xog ogaal ah ayaa innoo sheegay in mucaaradka ay beesha caalamka hodhigayaan in Madaxweynaha aysan dhab ka ahayn in si rasmi looga heshiiyo arrimaha la isku hayo ee la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddalka dastuurka KMG ah.

Beesha caalamka ayaa haatan wadda dadaallo dheeraad ah, waxaana ujeedka ugu wayn uu yahay in dhinacyada Soomaalida ay heshiis wadar ogol ah gaaraan ka hor dhammaadka muddo xileedka Madaxweyne Xasan, si dalka ay uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

Kulankan wuxuu kusoo aadaya, iyadoo oo shirkii u dambeeyay Khamiistii ay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiinta mucaaradka isku mari waayeen mid ka mid ah afarta qodob ee ajandaha kulanka. Xubnaha mucaaradka ayaa soo jeediyay in cutubka afaraad ee wax-ka-beddelka dastuurka laga laabto oo sidii hore loogu celiyo.

Qodobkan ayaa noqday mid dood culus dhalisay, oo sabab u noqotay in shirka lagu kala tago; hase ahaatee, waxaa markii dambe la isla gartay in dib la isugu soo laabto oo dhinacyadu ay soo wada tashadaan.

Mucaaradka waxay doonayaan in gebi ahaanba qodobkaas meesha laga saaro, oo lagu celiyo sidii uu awal u ahaa in madaxweynaha ku yimaado doorasho baarlamaani, halka Madaxweynuhu uu weli ku adkeysanaya wax-ka-beddelka dastuurka iyo hab-ka-doorasho ee muranka dhaliyay, , taas oo sii adkaynaysa in xal la gaaro khilaafka gudaha ee taagan.

Si kastaba ha ahaatee, wada-hadallada mucaaradka iyo madaxweynaha ayaa la filayaa in maalmahan ay sii socdaan, iyadoo Xasan Sheekh uu wajahayo cadaadis caalami ah oo ku qasbaya in uu xal ka gaaro tabashada mucaaradka.

- Advertisement -

Read more

Local News