Baarlamaanka Puntland oo doortay guddoomiye cusub

Garoowe (Caasimadda Online) – Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal waxaa Maanta lagu qabtay doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland,kadib markii 7-dii Bishaan ay Baarlamaanka Maamulkaas xilkii ka qaadeen guddoomiyahoodii Cabdi Xakiin Dhoobo Daareed.

Doorashada oo ka dhacay hoolka Xarunta Baarlamaanka Puntland ee Garoowe ayaa waxaa ku tartamay Saddex musharax oo kala ahaa Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil, Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Cali Dhahar) iyo Xildhibaan Cabdijamaal Cismaan Maxamed.

Wareega koowaad oo codeynta ayaa waxaa u soo gudbay musharixiinta kala ahaa Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo helay 34 Cod iyo Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed oo helay 17,waxaana Wareego koowaad ku haray Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Cali Dhahar).

Wareega labaad oo doorashada ayaa waxaa ku tartamay  Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil iyo Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, waxaana Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Puntland ku guuleystay 4 Sano ee soo socota Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil kaas oo helay 46 Cod halka Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed  uu helay 17 Cod.

Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf waxaa uu siyaasadda Puntland ku soo biiray sannadkii 2014, xilligaasi oo uu agaasimaha waaxda Warfaafinta ka noqday madaxtooyada Puntland, isagoo xilkaasi hayay 5-tii sano ee xukuumadii Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).

Sidoo kale, Baarlamanka Puntland ayuu ku soo biiray sannadkan 2019, waxaana laga soo doortay degmada Badhan ee gobolka Sanaag. Guddoomiyaha cusub ayaa lagu tilmaamaa shakshi saamayn weyn ku leh siyaasadda Puntland ee ku wajahan arrimaha gobolka Sanaag.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ay xilka ka qaadeen Guddoomiyihii Baarlamaanka C/xakiin Dhoobo Daareed, kaddib markii ay mooshin ka keeneen, waxaana muddo todobaad gudihiis ku dhacday xil ka qaadistii Guddoomiyihii hore iyo doorashada Guddoomiyaha cusub.

Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com