Dil maanta ka dhacay guriga taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Askari ka tirsan ilaalada taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa askari kale ku dilay magaalada Muqdisho.

Askariga dilka geystay waxaa magaciisa lagu sheegay Aadan Ibraahim Shamiindo, wuxuuna dilka ka dhacay sida la sheegay guriga taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ku yaalla degmada Cabdi Casiis ee gobalka Banaadir.

Wararka la helayo waxey sheegayaan inuu goobta ka baxsaday askariga dilka geystay, walina kama aysan hadlin maamulka dagmada Cabdicasiis iyo taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Askariga wax dilay iyo kan la dilayba waxey ka wada tirsanaayeen ilaalada taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, mana cadda waxa ka dhaxeeyey ee horseeday in mid ka mid ah la dilo.