29.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Dil maanta ka dhacay xarun degmo oo ku taalla Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dil maanta ka dhacay xarunta degmada Deyniile ee gobolka Banaadir, kaasi oo loo geystay wiil dhalinyaro ah.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen dad goobjoog ah, dilkan ayaa waxaa geystay nin hubeysan oo ka tirsan askarta maamulka degmada Deyniile.

Dilka ayaa ka dhacay albaabka hore ee xarunta, iyadoo wiilka dhalinyarada oo magaciisa lagu sheegay Saciid Mustaf Axmed Geedi uu isla markiiba ku naf baxay goobta, kadib toogashada askariga u geystay.

Ninka dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana ciidamada amniga ay wadaan howl-gallo lagu baadi goobay ninka dilka geystay oo la sheegay inuu ka tirsanaa ilaalada xarunta degmada Deyniile.

Weli laamaha amniga ee degmada Deyniile kama hadlin dhacdadan, lamana oga illaa hadda sababta ka dambeysay dilkan loo geystay wiilka dhalinyarada ah.

Magaalada Muqdisho oo waayadii dambe ka reysatay dilalka ay geystaan askarta, kadib go’aanno adag oo dowladda ka soo saartay, haddana waxaa muuqata in aan weli xal rasmi ah loo helin arrintaan.

Wixii faahfaahin ah ee kasoo kordha dhacdadan kala soco Caasimada Online.

- Advertisement -

Read more

Local News