DILAL DIB UGA BILLOWDAY KISMAAYO

Kismaayo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in halkaas ay dib uga billowdeen dilalka qorsheesan.

Waxaana dilkii ugu dambeeyay xaley uu ka dhacay xaafada Guul-Wade, halkaasoo lagu dilay mas’uul ka tirsan maamulka KMG ah Jubba.

Goobjoogayaal ku sugan Kismaayo ayaa u sheegay Caasimada Online, in 24-kii saac ee la soo dhaafay magaalada ay ka dhaceen dilal qorsheesan oo ay ku jiraan kuwa lagu bartilmaameestay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Axmed Madoobe.

Ma cadda cidda fulineysa dilal ka soo cusboonaaday Kismaayo balse waxaa magaalada tan iyo xaley ka socday howgallo dad badan lagu qabqabtay.

Dhinaca kale, waxaa magaalada Kismaayo ka billowday daad-gureynta ciidamada Kenya oo laga badalayo magaaladaas iyo ciidamo kale oo ku soo qulqulaya magaalada Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com