Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay laba wiil oo walaalo ah.
Dilka labadaani ruux ee walaalaha ah ayaa ka dhacay xaafada Siliga ee isla degmada, xili labadaasi ruux ay u socdeen meel ku dhow xaafadooda.
Kooxaha dilka geystay ayaa ku socday gaari waxa ayna ku hor jareen labada ruux ee walaalaha ah waxa ayna sidaa ku fuliyeen dilka.
Wiilasha la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Mustaf Maxamed Wehliye iyo Saney Maxamed Wehliye.
Dilkaani ayaa noqonaaya kii labaad oo saacado aan kala fogeyn gudahooda ka dhaca magaalada Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

