Caddeyn: Farmaajo oo weli wax ka qaban la’ shaqo joojintii lagu sameeyey qasnajigii fashiliyey fadeexadii Bankiga dhexe

Muqdisho (Caasimadda Online) – C/laahi Axmed Cabdullahi waa shaqsigii fashiliyey fadeexadii ka dhacday Bankiga dhexe 17-08-2016 markaas oo Bankiga la keenay lacag Faalso ah oo gaareyso ilaa 10 Kun oo Dollar, taasoo markii dambe keentay in la baaro gacanta Bankiga kadibna waxaa la helay ilaa 500 Kun oo Dollar oo Faalso ah.

Cabdullaahi wuxuu ka mid ahaa qasnajiyaashii Bankiga dhexe ee xilligii dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud, wuxuuna shaqadiisa ku waayey daacadnimadii iyo muwaadinimadii uu muujiyey xilligii la dhici rabay Hantida qaranka.

Markii uu Cabdullaahi shaqadaas u qabgtay qaranka, lana badbaadiyey lacagtaas, waxaa shaqa joojin ku sameysay guddoomiye ku xigeenka Bankiga dhexe Maryan Cabdullaahi Yuusuf oo ku qabsatay sababta uu arrintaan u fashiliyey.

Wuxuu u sheegay inuusan qarankiisa dhaafsaneyn laaluush, kadibna waxay u sheegtay inuu isaga tago shaqada, wixii markaas ka dambeeyana wuxuu dacwadiisa geystay Maxkamadda Sare ee Soomaaliya.

Cabdullaahi ayaa ugu dambeyntii ku guuleystay inay maxkamadda sare xukun soo saarto, taasoo lagu amray in shaqadiisa dib loo siiyo isla markaasna Maryan ay bixi lacag ganaxaa Maadaama ay tacadi ku sameysay.

Markay sidaas dhacday kadib, waxaa la laaluushay Maxkamadda sare, kadibna waxaa dariishada laga tuuray xukunkii maxkamadda ee cadaaladda ahaa, balse markii dambe la dhaafsaday lacag intii ay jirtay xukuumadda cusub ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Cabdullaahi ayaa go,aansaday inuu waraaq cabasho ah u diro Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Balse nasiib darro ilaa hadda wax jawaab lagama bixin falka tacadiga ah ee lagula kacay muwaadinkaan badbaadiyey hantida qaranka.

Haddaba Caasimadda Online ayaa si hoose u heshay waraaqdii uu Cabdullaahi u diray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isulwasaare Kheyre, waxaayna ka aqrisan kartaa qeybta hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com