Gaas oo sheegay in DF ay wax ka ogeyd heshiiska Imaaraadka ee dekadda Boosaaso

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland C/wali Gaas, ayaa si qoto dheer uga hadlay shir uu kaga qeybgalay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Shirka ayaa waxaa looga hadlaayay kheyraadka dabiiciga ah ee Afrika, waxa uuna Hogaamiyuhu sheegay in shirkaasi uu ka sheegay heerka uu gaarsiisan yahay kheyraadka Somalia.

Waxa uu sheegay in shirka ay qeyb ka ahaayen inta badan madaxda qaarada madow ee Africa, isagoo intaa ku daray in shaqsi ahaantiisa uu wakiil u ahaa Somalia.

Shirka ayuu sheegay inuu ahaa mid faa’iido badan u lahaa Africa, waxa uuna cadeeyay in Kheyraadka Somalia uu usoo bandhigay madaxdii afrikaanka ahaa ee qeybta ka ahaa shirka.

C/wali Gaas ayaa sidoo kale ka hadlay mashruuca cusub ee Dowladda Imaaraadka ay ku dooneyso in ay ku balaariso Dekadda caalamiga ee Magaalada Boosaaso.

Gaas waxa uu tilmaamay in DFS ay ka warqabto heshiiska 30 sanood ee Dekadda Boosaaso loogu wareejiyay shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

Waxa uu cadeeyay in DFS ay heshiiskaani ku wargaliyeen xili hore kadibna ay Imaaraadka sidaa kula galeen heshiiska.

Gaas waxa uu meesha ka saaray in Heshiiska Dekadda uu muran ka dhex abuuray DFS iyo Maamulka, waxa uuna sheegay inaanu jirin wax caqabad ah.

Haddalka C/wali Gaas ayaa imaanaya xili dhawaan ay DFS shaki galisay Heshiiska Imaaraadka uu la galaayo maamulada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com