Sarkaal sare oo ka tirsanaa sirdoonka Somalia oo Muqdisho lagu dilay xili uu watay Ilaalo

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo Bastoolado ku hubeysnaa ayaa goordhow toogasho ku dilay Sarkaal sare oo ka tirsanaa Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Somalia.

Dilka Sarkaalka ayaa la xaqiijiyay inuu ka dhacay Isgoyska Maanaboolyo ee dhanka Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamuud Xaaji Cali, iyadoo xiliga la dilaayay uu la socday hal askari oo kamid ah ilaaladiisa.

Sarkaalkaani ayaa la xaqiijiyay in xilal kala duwan uu kasoo qabtay Hay’adda, hayeeshee uu maanta ku ekaa wakhtigiisa.

Dilka kadib ayaa waxaa goobta ka baxsaday maleeshiyaadka dilka geystay, waxaana durba goobta gaaray ciidamo ka tirsan dowlada oo halkaa ka qaaday Meydka marxuumka.

Hay’adaha amaanka DFS ayaan wali ka hadal dilka Sarkaalka oo goordhow ka dhacay Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com