Diyaarad ay wafdi Imaaraati saarnaayeen oo laga celiyay garoon ku yaalla Mudug

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad sida wafdi ka socda dowladad isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa waxaa maanta laga hor istaagay inay kasoo dagto garoon ku yaala magaala xeebeedka Garacad ee gobolka Mudug, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Wafdiga Imaaraadka ee laga hor istaagay booqashada Garacad ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay la socdeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, oo booqasho ku tagayey magaalada Garacad ee gobolka Mudug.

Wararka ayaa intaas waxay kusii darayaan in diyaarad ay is hortaageen maleeshiyaad dadka degaanka ah oo is abaabulay, kuwaasi oo gebi ahaanba la wareegay gacan ku haynta Garoonka diyaaraha oo ay kasoo degi lahaayeen wafdiga Imaaraadka.

Maleeshiyada ayaa diiday inay diyaaraddaas kasoo dagto garoonka macmalka ah ee Garacad, ilaa haddana lama oga sababta ka dambeysa arrintaan iyo ujeedka Wafdiga ka socda Imaaraadka uu ka lahaa safarka Garacad..

Waxaa socda dadaalo ay odayaasha dhaqanka wadaan, kaasi oo lagu dajinayo xiisada ka dhalatay arrintaan, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Puntland oo ku aadan dhacdadaan.