Villa Somalia oo ka jawaab ka bixisay qoraalkii CUMAR Cabdirashiid ee ‘SAFARKA’ Farmaajo ee Addis Ababa

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay warar saacadihii u dambeeyay si weyn u baahay oo la xiriira safar uu qorsheynayo madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu ku tago dalka Itoobiya.

Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada, Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa qorshaha safarkaasi ku tilmaamay ‘been abuur’, wuxuuna meesha ka saaray inuu jiro safar uu qorsheynayo ama u baxayo madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday iyo heshiis uu soo saxiixayo.

“Fadlan iska indha tira ‘WARKA BEEN-ABUURKA’ ee sheegaya safarka Madaxweyne Farmaajo ama qorshaha inuu saxiixo heshiis haba-yaraate,” ayuu ku yiri Cabdirashiid Xaashi qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka.

Sidoo kale waxa uu qoraalkiisa si gaar ugu beegsaday ra’iisal wasaarihii hore ee dalka, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo isagu toosh ku ifiyey qorshahaas halista ku gadaan, oo ay hore u baahisay Caasimada Online.

“Warka been-abuurka ah waa been-abuur un, xataa haddii uu ka imaanayo Ex ra’iisul wasaare,” ayuu yiri Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya.

Hadalkaan ayaa imanaya saacado un kadib markii Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid uu soo dhigay twitter-ka qoraal uu shaaca kaga qaadayo ‘inuu jiro heshiis halis ah oo ay kala saxiixan doonaan Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea, kaasi oo uu ku baaqay in fiiro gaar ah loo yeesho’.

“Heshiiska amni/difaac ee la isla dhex-marayo ee u dhaxeeya Eritrea, Ethiopia iyo Soomaaliya waxa uu noqon karaa arrin khatar keeni karta oo u baahan in fiiro gaar ah loo yeesho. Sababtoo ah, si xun u adeegsiga aan dhammaadka lahayn ee waaxda amniga, waxay noqon doontaa arrin wallaac dhab ah leh, haddii dowladda federaalka ee waqtigeedu dhammaaday ay isku daydo in heshiis noocan ah ay ku saxiixdo Addis Ababa,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Arrintan ayaa sidoo kale imaneysa ayada oo Caasimada Online ay shalay qortay in beesha caalamka ay ku cadaadineyso Farmaajo inuu baajiyo safar uu ku tagayo Addi-Ababa, taas beddelkeedna uu heshiis la gaaro madaxda maamul goboleedyada dalka ee ku sugan Muqdisho.

Caasimada Online ayaa sidoo kale ogaatay in beesha caalamka ay baajisay safarkii Farmaajo.