Xog: Beesha caalamka oo culeys ku saaraysa Farmaajo inuu baajiyo safar dibadda ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in wakiilada beesha caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho ay culeys ku saarayaan madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu joojiyo safarada dibadda xiligaan adag uu dalka ku sugan yahay marxalad aan horay u dhicin.

Dalabkaan beesha caalamka ayaa yimid kadib markii ay ka war heleen in Farmaajo uu qorsheynayo safar dibadda ah, gaar ahaan booqasho uu ku tegayo Addis Ababa, safarkaasi oo xafiiska Farmaajo uu daboolayo, xitaana aysan xubnaha ku dhow dhow ka war qabin safarkaasi.

Sababta ay ugu dalbadeen Farmaajo inuu joojiyo safarada dibada ayay ku macneeyeen inay sii murjineyso cakirnaanta siyaasadeed ee dalku ku jiro iyo isu soo dhowaansha la’aanta, madax goboleedyada, mucaaradka iyo madaxweynaha xilkiisa dhamaaday.

Caasimada Online ayaa ogaatay in Farmaajo uu qorsheynayo safar maalin ama laba maalin qaadan doono inuu ku tegi doono Addis Ababa, halkaasi oo uu kula soo kulmi doono ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo naftiisa culeysyo siyaasadeed ka haystaan gobolka Tigrey iyo cambaareynta hay’addaha xuquuqda aadahaha iyo caalamka oo ku eedeeyay dowladdiisa inay adeegsatay ciidamada Eritrea oo xasuuq ba’an ka geystay gobolkaasi.

Lama oga in dalabka culus ee beesha caalamka u gudbisay Farmaajo inuu aqbali doono iyo in kale, xili madaxweyneyaasha maamul goboleedyada ay ku shirsan yihiin magaalada Muqdisho si xal looga gaaro arrimaha khilaafka doorashada.

Illaa iyo hadda ma cadda ujeedka uu Farmaajo ka leeyahay safarka.