Maxaa kasoo baxay kulankii xalay ee Farmaajo iyo madax goboleedyada taabacsan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xalay qaabilay madaxda maamul goboleedyada ee taabacsan Villa Soomaaliya & guddoomiyaha gobolka Banaadir, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka iyo doorashooyinka dalka.

Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa ra’iisul wasaaraha xilka sii haya ee Mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxaana dhinacyada ka qeyb-galay ay diirada saareen xaaladda cakiran ee ka taagan dalka.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxda Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ay madaxweynaha la wadaageen waxyaabihii kasoo baxay shirarkii ay la soo qaateen madaxda Jubbaland iyo Puntland, gaar ahaan qodobada hordudhaca ee ay isla soo meel-dhigeen ee wada-hadalada socda.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday halka ay marayaan dadaallada lagu doonayo qabsoomida shir loo dhanyahay oo ay yeeshaan dowladda iyo dowlad goboleedyada.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in shirkan lagu soo hadal qaaday arrinta muddo kordhinta ee laga shaki qabo inuu ku dhowaaqo Golaha Shacabka, taas oo buuq weyn ka dhex-abuurtay xildhibaanada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Si kastaba xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa muuqata mid kasii dareysa, waxaana weli is mari-waa uu ka taagan-yahay hannaanka loo wajahayo doorashada 2021-ka.