Rooble oo kulan gaar ah la yeelanaya madaxda maamul goboleedyada iyo Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa weli ka socda kulamo gaar gaar ah oo looga arrinsanayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan muranka hareeyey qabsoomida doorashooyinka.

Wararka ayaa sheegaya in gelinka dambe ee maanta ay kulan gaar ah yeelan dooaan hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, Jubbaland, Puntland, Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saaraya arrimo ku aadan  doorashooyinka & sidii loo sii amba-qaadi lahaa wada-hadallada ka socda Muqdisho.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in labada dhinaca ay isla eegayaan qodobada ay isku afgarteen shanta Hoggaamiye goboleed iyo waxa laga doonayo xukuumadda.

Rooble iyo madax goboleedyada ayaa shirkan oo ka dhici doono xeyndaabka Xalane, kadib ku dhowaaqi inuu beri furmayo shirka wada-tashiga loo dhan yahay ee Afisyooni, kaas oo ay kuu birayaan labada hoggaamiye ee maamullada Jubbaland iyo Puntland.

Dhaq-dhaqaaqyadan siyaasadeed ayaa kusoo aadayo, iyada oo xalay madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday uu qaabilay madaxda maamullada taabacsan dowladda dhexe, sida Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed.