QARAX dhimasho badan gaystay oo Muqdisho ka dhacay + Bartilmaameedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada meelaha fog fog laga hago ayaa ka dhacay agagaarka xarunta degmadaasi, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi lala beegsaday gaari uu la socday xoghayaha maamulka degmada Dayniile, Mahad Sharaawe, kaas oo bad-baaday qaraxa.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan 4 qof oo shacab ahaa, iyada oo uu ku dhaawacmay hal askari oo ilaalo u ahaa xoghayaha degmada Dayniile.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howl-gallo kooban ka sameeyey halkaasi.

Maalmihii dambe ayaa waxaa Muqdisho kusoo badanayey weerarada qaraxyada ah oo uu khasaaraha ugu badan kasoo gaaro dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.