Puntland oo eedeyn culus u jeedisay FARMAAJO iyo madaxda sare ee dowladda

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga maamulka Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday, Farmaajo ku eedeyay inay wadaan bur-burinta Puntland.

Waxa uu sheegay in madaxda sarre ee dowladda waqtigeeda uu dhamaaday ay dhaqaale badan ku bixineyso sidii loo fashilin lahaa xukuumadda maamulka Puntland, oo ayadu muddooyinkii dambe uu khilaaf xoogan kala dhaxeeyay.

Wasiirka oo ka hadlayay kulan ka dhacay Garoowe ayaa sidoo kale waxa uu xusay in dowladda federaalka ay rabshado ka abuureyso gudaha Puntland, islamarkaana ay kicin dadweyne iyo iska hor keen ka wadaan, sida u sheegay

“Waxaad ka wada dheregsan tihiin in magaalooyinka amniga ah oo ay ugu dambeeysay magaalada Dhahar inay isku dayeen inay falqalalo ka abuuran, inay dadka kiciyaan iskana horkeenaan, inay baraha bulshada ku muujiyeen wixii ka dhacay dhahar in ay yihiin in dad lagu xad-gudbay,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu wasiirku ku eedeyay madaxda dowladda federaalka inaysan ka hadlin weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen xabsiga Dhexe ee magaalada Boosaaso, taasi bedelkeedana ay deegaanada Puntland ka wadaan abaabulka qalaalaso.

Wasiir Gallan ayaa ugu dambeyntiina waxa uu carabka ku adkeeyay in dowladda federaalka aysan ku socon dhabadii saxda aheyd, islamarkaana aysan xiligan ku howlaneyn xal u helista doorashada, oo dadaaladeeda laga wado magaalada Muqdisho.

Si kastaba, hadalkaan ayaa imanaya xili ay dhawaan dowladda si weyn u dhaliishay banaanbax la fahamsan yahay inay ka dambeysay oo ka dhacay Puntland, ayada oo xusid mudan tahay in dad si nabdoon ugu banaanbaxayey Muqdisho ay rasaas ku furtay bartanka bishii Febraayo.