Sawirro: Swan oo war kasoo saaray shirkii ay la yeesheen shanta madax goboleed

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb. James Swan ayaa ka hadlay shirarka ay wakiilada beesha caalamka la leeyihiin madaxda Soomaalida ee ku saabsan arrimaha doorashooyinka.

James Swan wuxuu sheegay iney ku faraxsan yahiin dadaallada socda ee loogu gogol xaarayo shir weyne la isugu yimaado oo lagu gaaro heshiis doorasho, iyadoo mar walba lagu jaangoyn doono heshiiskii 17-ka September ee lagu gaaray Muqdisho sanadkii hore.

Wakiilka wuxuu soo dhaweeyay dadaalka wadajirka ah ee dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ugu jiraan si loo helo tanaasul sax ah islamarkaana horay loogu sii docon lahaa arrimaha doorashooyinka.

“Waxaan soo dhoweyneynaa dadaalka wadajirka ah ee Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka si loo helo tanaasul, isla markaana kulanka Dowladda Faderaalka ah iyo kuwa heer gobol uu horay ugu sii socdo dhanka doorashooyin ku saleysan hannaankii doorasho ee 17-kii Sebteembar,” ayuu yiri James Swan.

Wakiilada beesha caalamka waxey todobaadyadii ugu dambeeyay wadeen dadaallo ay isku hor keenayaan madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka ah si loo gaaro heshiis doorasho oo loo dhan yahay.

Dadaalladan ayaa diiradda lagu saarayaa in marka hore la isku soo dhoweeyo shanta madaxweyne goboleed, ayada oo wada-hadalladan gees looga riixay dowladda gaar ahaan Farmaajo, oo la rumeysan yahay inuu caqabad ku yahay in dalka ay doorasho ka dhacdo.

Si kastaba, waxaa mar kasta jirta cabsi laga qabo in madaxweyne goboleedyada taabiciyiinta ah ee HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, kuwaas oo aan la isku haleyn, oo marka ay ku laabtaan Farmaajo mar kasta beddela mowqifkooda.