Xildhibaan shaaciyey ‘fal yaab leh oo ay kula kaceen’ ciidamada NISA (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Maxamuud Muuse oo kamid ah mudaneyaasha golaha shacabka ayaa sheegay in xad-gudub sharci darro ah ay kula kaceen ciidamada Nabadsugida, kadib amar kasoo baxay Taliska guud.

Xildhibaanka ayaa kamid ahaa mudaneyaashii sida adag uga horyimid muddo kororsi la sheegay in lagu meel-marinayey kulankii 27-kii March, kaasi oo ugu dambeyntii lagu kala dareeray kadib sawaxan iyo buuq hareeyay kalfadhigaas.

“Ciidamada Nabad-sugida ayaa ii diiday gurigeyga oo ku yaalla meel ku dhagan Godka Jilacoow, ciidankii joogay meesha Checkpoint-ga ah markaa la hadlay oo ku yiri yaa amarkaa bixiyay? Waxay ii sheegen saraakiisha sar-sare, kadib xiriir aan la sii-sameeyay aaqirkii waxay yiraahdeen taliye ku-xigeenka ayaa bixiyey amaarkaas,” ayuu yiri Xildhibaan Daahir.

Sidoo kale waxa uu sheegay in aragtidii mucaaridnimo ee maalintii Sabtida uu kusoo bandhigay fadhigii Golaha in looga celiyay gurigiisa, islamarkaana loola dagaalayo si shaqsi ah, maadama uu ka horyimid aragtida madaxda waqtigooda dhamaaday.

Xildhibaanka ayaa carabka ku adkeeyay in ciidamada laga madax-baneeyo arrimaha siyaasadeed, xili ay madaxda dowladda si gaar ah ugu adeegsan mas’uuliyiinta ka aragti duwan, isagoona xusay in tuhuno badan oo ku xeeran adeegsiga ciidamada ay arrintan banaanka keenayso, sida uu sheegay.

“Maanta in la yiraahdo Xildhibaan ma hadli karo, umadda Soomaaliyeed oo kale ee shacabka laheyd, ee cid walba laheyd halkay joogan? Anigoo xasaanad leh marka sidaas la ila dhaqmo, dhibaatadaas ayey umaddu tirsaneysaa, waxaan leeyahay sharcigu ha shaqeeyo, haddii uu shaqeyn waayana cawaaqibta ka dhalata waxaa qaadi doona mas’uuliyiinta uu ugu sareeyo Farmaajo,” ayuu yiri.

Si kastaba, Xildhibaan Daahir Maxamuud Muuse ayaa kamid aheyn 15-xildhibaan oo guddoonka golaha uu liis kusoo saaray, kuwaasi oo laga mamnuucay kasoo qeyb galka kulamada soo socda, islamarkaana magacyadooda la dhigay albaabada laga galo Villa Somalia.

Hoos ka daawo xildhibaan Daahir