DAAWO: Sheekh XASAN DAAHIR Aweys oo weerar culus ku qaaday R/W Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Xasan Daahir Aweys oo u xiran dowladda Federalka Soomaaliya ayaa muuqaal uu soo duubay waxa uu kaga hadlay doorka Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee xiligan kala guurka ah.

Xasan Daahir ayaa si kulul u canaantay Ra’isul Wasaaraha, waxaana uu sheegay inuu gabay doorkiisa siyaasadeed, isaga oo ku tilmaamay “nin shaqeynayo sida inuu Farmaajo leeyahay oo kale.”

“Waxaad u shaqeyneysaa nuuc ah in Farmaajo uu ku leeyahay oo kale, waxaana meesha ku joogtaa kuraas la qeybsaday ayaad midkood ku joogtaa, kii 1-aad qolo ayaa heysata kii 2-aad ayaad ku joogtaa qolo, iyaga ayaana leh, ma taqaanid inaad dad ka wakiil tahay Rooble,” ayuu yiri Xasan Daahir Aweys.

Xasan Daahir ayaa sidoo kale xusay in Rooble uusan awoodin xitaa inuu kala dhexgalo siyaasadaha isdiidan ee dalka ka jira, islamarkaana uusan talo keeni karin.

Waxa uu hadalkisa intaa raaciyay “Iyagi ma kala celin kartid, iyagana dadka kama celin kartid, qofkii ku qaloocan kama celin kartid, kama sixi kartid, maxaa laguugu falaa marka, Dad ayaa wakiil ka tahay Rooble indhaha kala qaad meeshaan qabiil ayaa lagu qeybsaday.”

Sheekh Daahir ayaa weydiiyay Ra’isul Wasaare Rooble “maa dadka kala celisid ileen adaa maamulka ku matalee xageed la’dahay, mise shaqadaada dhan ma taqaanid aslan?”

Waxa uu ku booriyay Ra’isul Wasaaraha inuu fadhiga ka kaco oo si muuqata door weyn uga ciyaaro arrimaha doorashada iyo isku keenista saamileyda siyaasadeed ee dalka.

“Aniga kuma lihi xumeey Farmaajo isagaa ku doortay waa sax laakiin isaga malahan kursiga, dad ayaa iska leh xuquuqdooda u ilaali adaana maamul ahaan u jooga ee dadka isku hagaaji, meesha aad la’dahay anigu waan garan waayay,” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Ugu dambeyntii waxa uu soo dhaweeyay kulamadii ka dhacay Hotel Decele ee Midowga Musharaxiinta iyo Ra’isul Wasaare Rooble base waxa uu u sheegay inuu ku guuldareestay oo wax faa’ido ah uusan ka keenin.

Hoos ka daawo Xasan Daahir Aweys

By: Abdiaziz Loyal
Abdiazizh99@gmail.com
Muqdisho-Somalia