Laba qodob oo la isku hayo iyo wararkii ugu dambeeyey shirka madax goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii u dambeeyay magaalada Muqdisho gaar ahaan gudaha xerada Xalane ka socday shirar isdaba joog ah oo u dhaxeeya madaxda dowlad goboleedyada oo qeyb ka tahay beesha caalamka.

Sida aan xogta ku helnay Madaxweynayaasha shanta dowlad Goboleed ayaa weli isku haya laba qodob oo kala ah; ajandaha shirka soo socda iyo amniga goobta shirka, iyo sidii ay Beesha Caalamka goobjoog iyo damaanad qaad ka noqon laheyd fulinta heshiiska doorashada.

Ilo-wareedyo ka agdhow dhinacyada ku shirsan Xalane ayaa Caasimada Online u sheegay in qoddobka “amniga goobta shirka” ay ku adkeysanayaan Deni iyo Axmed Madoobe kadib markii uu sare u kacay kala shakiga qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada iyo madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday.

Madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa waxay kalsooni darro ka muujinayaan hab-dhaqanka Farmaajo, kadib weerarkii 19-kii Febraayo ee lagu beegsaday dibad-baxayaashii nabdoonaa ee Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Farmaajo uu doonayo inuu ilaaladiisa la tego goobta shirka, taasi oo Deni iyo Axmed Madoobe ay diidan yihiin. Qodobkan ayey suurta-gal tahay in 

In kasta oo horey ay Amisom u sheegtay inay damaanad qaadeyso amniga, haddana taas macnaheedu kama dhigna in ciidamada Farmaajo aysan goobta iman karin, waana waxa la isku hayo.

Dhanka ajendaha shirka, Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa weli ku adkeysanaya in shirka uu noqdo mid loo dhan yahay oo ay ka soo qeyb galaan Saamileyda siyaasadda sida Musharaxiinta iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare.

Waxaa lagu wadaa inay sii socon doonaan kulamada gooni-goonida ah, waxaana suurta-gal ah in wada-hadaladu ay ku qabsoomaan teendhooyin kala duwan, oo aanba la isa soo hor-fariisan, kadibna la isku yimaado kaliya marka la heshiiska la saxiixayo.

Madaxda Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo iyagu taabacsan madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ayaa waxay isku dayayaan inay yareeyaan khilaafka ka dhex aloosan Farmaajo iyo labada madaxweyne, si heshiis kama dambeys ah looga gaaro doorashada, lamana oga halka ay wax sal dhigan doonaan.