Maamulka golaha shacabka oo qiray in Mursal uu Sabtigii ciidan badan keenay xarunta

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay qiray inay jireen ciidamo dheeraad ah oo Sabtidii lagu daadiyey dhismaha golaha ee Villa Hargeysa, halkaas oo lagu balansanaa kulan ajendihiisa tuhun weyn laga qabay.

Xildhibaan Maxamed Cabdullahi Xasan Nuux oo kamid ah nidaamiyayaasha golaha shacabka oo wareysi siiyey BBC ayaa qiray in ciidamo dheeraad ah uu guddoomiyuhu dalbaday maalintaas, isagoo aan shaacin sababta.

“Qeybaha kala duwan ee ciidamadu fadhi ayey ku leeyihiin xarunta baarlamaanka, guddoomiyaha baarlamaanku waqti kasta waa uu dalban karaa ciidamo dheeraad ah oo sharciga ayaa u ogol, marka in maalinkaas ciidan badan la keenay wey jirtaa, laakiin xaalad weyn oo markaas jirtay anigu ma ogi,” ayuu yiri  Xildhibaan Maxamed Cabdullahi Xasan Nuux.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Way jirtaa inaan ciidamada soo badinay, mar-mar aan ciidamada soo kordhinana way iska jirtaa oo xaalado ay soo kordhaan oo wax cusub maaha, marka xaaladda dalku ku jiro ayaa iska ah mid feejignaan amni u baahan mar kasta.”

Mar wax laga weydiiyey sababta ka dambeysa kulankii golaha ka baaqday Isniintii maanta ayuu sheegay in kulanka dib loogu dhigay Arbacada amar ka yimid guddoomiye Maxamed Mursal, iyadoo uu sidiisii yahay go’aankii dhawr iyo toban xildhibaan looga joojiyay ka qayb-galka shirarka golaha.

“Sida aad ogtihiin kulamada mararka qaar waa la baajiyaa, iyadoo la sii diray ajendaha, guddoomiyaha ayaa nagu war-geliyey inaan kulankaas balamino Arbacada soo socota, laakiin guddoomiyuhu nooma sheegin sabab gooni ah,” ayuu Xildhibaan Maxamed oo kamid ah nidaamiyayaasha golaha shacabka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in goluhu uu leeyahay xeer hoosaad, kaas oo qabanaya xildhibaankii fowdo abuura, isagoo cadeeyey in ganaaxii maalinkii Sabtida ku dhacay xildhibaanada qaar uu sidiisa sii ahaanayo oo shanta kulan ee soo socda ay seegi doonaan.

Qaar ka mid ah xildhibaanadaas oo kol sii horeysay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku goodiyey inay ka qeyb geli doonaan kulamada baarlamaanka, isla markaana aysan jirin cid ka hor istaagi karta.