Maxuu yahay dalabka cusub ee W/caafimaadka kasoo saartay tallaalka COVID-19?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxay ku dalbatay in loo midoobo ka hortagga cudurka Coronavirus oo dhawaan dalka ku soo laba kacleeyey, sidoo kale la qaato tallaalka cusub ee cudurkaan.

Wasaaradda ayaa qoraalka ay soo saartay waxay Weriyaasha iyo culumada Soomaaliyeed uga codsatay inay bulshada u soo bandhigaan xaqiiqada dhabta ah ee tallaalka COVID-19 oo dhawaan Soomaaliya la keenay.

Sida lagu cadeeyey qoraalka wasaaradda Tallaalkaan ayaa laga faafiyey warar been abuur ah oo bulshada ku abuuray shaki weyn oo badankood ku kalifay in aysan is tallaalin.

“Culumadda dalka oo aan mar walba ku bogaadineyno dadaalka ay ka geystaan waciygelinta ka hortagga COVID-19, waxaan ku dhiirigelinaynaa in ay sii koojiyaan dadaalkaan oo bulshada ay la wadaagaan halista uu leeyahay cudurka COVID-19,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda caafimaadka.

Wasaaradda ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku cadeysay in Saxaafadda madaxa-banaan iyo tan dowladda ay u aragta in doorweyn ay ku leeyihiin baraarujinta shacabka, isla markaana ay muhiim tahay inay ka hor-tagto wararka khaldan ee laga baahinaayo Tallaalka COVID-19.

“Warbaahinta waxaan ka codsanaynaa inay qaataaan mas’uuliyada ka saaran in ay soo xaqiijiyaan wararka aan xaqiiqda ahayn ee laga baahinaayo arrimaha tallaalka ee lagu khaldaayo shacabka iyo aragtidooda, taas oo halis sii gelin karta xaaladda caafimaad ee guud ahaan dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Madaxda dalka, hoggaamiyeyaasha dhaqanka, ururrada bulshada rayidka ah, sida haweenka iyo dhalinyarada, hey’adaha dalka gudahiis ka shaqeeya, culumada, warbaahinta iyo dadka kale ee bulshada saameyn ku dhex leh ayaa qoraalkan ka soo baxay wasaaradda caafimaadka looga dalbaday inay ka qeyb qaataan wacyi-gelinta iyo ka hortagga COVID-19, isla markaana ay gudbiyaan xaqiiqada saxda ah ee Tallaalka.

Saacadihii u dambeeyey 187 qof oo qabta Coronavirus ayaa laga diiwaan geliyey Soomaaliya, sida lagu shaaciyey warbixinta maalin-laha ah ee wasaaradda caafimaadka, waxaana u dhimatay 14-ruux, halka 40 kale ay ka soo bogsadeen.