Meydadka laba qof oo aan la aqoonsan oo maanta lagu arkay bannaanka Jowhar

Jowhar (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelada dhexe ayaa sheegaya in maanta duleedka magaalada lagu arkay laba qof oo meyd ah balse aan la aqoonsan wali.

Meydadka labadaan qof ayaa laga helay inta u dhaxeysa deegaanada Raqayle iyo Bayaxow ee duleedka ka ah magaalada Jowhar, waxaana lagu soo warramayaa in lagu arkay dhaawac midiyo ah, taasoo argagax galisay dadka deegaanka.

Saldhigga Booliska Jowhar ayaa la gaarsiiyay meydadka labada ah iyadoo aan la helin qof aqoonsata sida ay sheegeen masuuliyiinta degmada Jowhar.

Ciidamada Booliska ayaa bilaabay baaritaan arintaan la xiriira, waana arin ugub ku ah Jowhar iyo deegaanada hareeraha ka xiga, waxaana jira walaac ay qabaan dadka deegaanka oo arintaan aad uga naxay.