Sarkaal sare oo ka tirsanaa maamulka Koondur Galbeed oo weerar lagu khaarijiyey

Xudur (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in saaka dagaalyahan ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen kolonyo uu la socday siku duwaha ciidanka Koonfur Galbeed ee degmooyinka Ceel-Barde iyo Xudur ee gobolkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa in sheegay in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay dhabah u galeen sarkaalkaasi iyo ciidanka la socday, iyadoo labada dhinac uu dhex-maray dagaal toos ah.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay weerarkaasi ayaa shaaca ka qaaday inay ku khaarijisay Yuusuf Shig-shigow oo ahaa isku duwihii ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ee ka howl-gala degmooyinka Ceel-Barde iyo Xudur ee gobolka Bakool.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada maamulkaasi & kan degmada oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana goobta gaaray ciidamo gurmad ah oo ka tirsan kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed, iyada oo ay baxsadeen raggii ka dambeeyey weerarkaasi.

Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro gaadmo ah ku aada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan gobollada Baay iyo Bakool.