25.9 C
Mogadishu
Tuesday, November 18, 2025

Xog: Diyaarado dagaal oo duqeeyey KISMAAYO

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa lagu soo waramayaa iney duqeymo ka geysteen deegaan ku yaala duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, duqeyntaasi oo dhalisay dhimasho iyo dhaawac.

Deegaan qiyaastii 60 km u jira magaalada Kismaayo oo lagu magacaabo Beer-xaano ayaa lagu soo waramayaa in diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqeyn ka geysteen saqdii dhexe ee xalay.

Warbaahinta dalka Kenya oo soo xiganeyso dadka deegaanka ayaa sheegtay in duqeymaha ay ku dhaceen keymaha deegaanka Beerxaano ee gobolka Jubbada Hoose, ayna maqlayeen dhawaqa duqeymaha.

Sidoo kale diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa gelinkii dambe ee shalay duqeymo ka geystay duleedka magaalada Kismaayo, waxaana dadka deegaanada la duqeeyay ku sugan ay sheegayaan iney arkayeen iftiinka duqeymaha.

Ciidamada Dowlada Kenya ayaa tan iyo bartamihii bishii Janaayo weeraro duqeymo ah ka fuliyay deegaano ku yaala gobolka Gedo, duqeymahaasi oo saameeyay dadka deegaanka ee xoolo dhaqatada ah.

Ma jiro wax war ah oo duqeymahaasi ay kasoo saareen saraakiisha ciidamada Kenya ee ku sugan dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News