25.2 C
Mogadishu
Friday, February 13, 2026

Xasan Sheekh iyo CC oo xaqiiqda garwaaqsaday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno ilo ku dhow dhow madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegaya in Xassan iyo Ra’isul wasaaraha dalka ay isla garteen in wada-hadalo ay la furaan Siyaasiyiinta ka soo horjeeda Siyaasadooda.

Xassan Sheekh iyo Ra’isul wasaare Cumar ayaa isla qaada dhigya in marka hore ay kulamo gaar gaar ah la qaatan Siyaasiyiinta ugu tunka weyn, kadibna ay u gudbaan Axsaabta Siyaasada.

Qorshahaani ayaa la tilmaamayaa inuu kasoo maaxay madaxweynaha dalka Xassan Sheekh, islamarkaana Cumar C/rashiid uu ku raacay, sida aan xogtu ku heleyno.

Ujeedka ugu weyn ayaa lagu sheegay in Xassan Sheekh ay baqdin kasoo foodsaartay is uruursiga Axsaabta iyo Siyaasiyiinta kale ee miisaanka ku dhex leh dalka, waxa uuna Xassan Sheekh doonayaa in mucaaradka uu ku wado maro, ilaa uu mar kale ka gaarayo kursiga Qaranka oo uu mar kale haminaayo.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee Xassan ku qasabtay markii laga soo tago Siyaasada uu ku doonaayo inuu ku kasbado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News