Xog: Amisom iyo NISA oo ay ka dhex tafan tahay

Muqdisho (Caasimada Online ):-Warar hoose oo aan ka heleyno dhanka Saraakiisha ku howlan baaritaanka Qaraxii ka dhacay Diyaarada Daallo, ayaa sheegaya in baaritaanka uu iminka si habsami leh u socdo.

Saraakiisha aan xogtaani la wadaageyno ayaa xaqiijiyay in mudada yar ee uu socdo baaritaanka uu khilaaf ka dhex curtay Saraakiisha AMISOM uga midka ah baaritaanka iyo Saraakiisha dhanka Sirdoonka Somalia uga qeybqaadanaayo baaritaanka iminka lagu hayo Qaraxaasi.

Saraakiisha AMISOM ee baaritaanka ayaa ku doodaaya in loo madax-baneeyo baaritaanka Socda si looga gaaro dantii laga lahaa baaritaanka, halka kuwa NISA ay ku doodayaan in baaritaanka uu yahay mid iyaga ay xaq u leeyihiin.

Khilaafka ayaa soo ifbaxay kadib markii Saraakiil ka tirsan NISA ay isku dayeen in qaab qabiil ahaan ay usii dayaan rag looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin abaabulka Qaraxa.

Saraakiisha AMISOM oo shaki ka qabta in ragga falka Qaraxa loo hayo laga siidaayo Jeelka ayaa dalbatay in Baaritaanka laga saaro NISA oo iyaga iyo baarayaasha Cadaanka ah loo madax-baneeyo.

NISA ayaa iyaduna diidan in xiligaani ay faraha kala baxdo baaritaanka maadaama la gaaray xili fiican oo ay soo baxayaan natiijooyin xaqiiq ah.

Dhanka kale, waxaa iminka socda qorshooyin lagu qaboojinaayo khilaafka islamarkaana lagu sii wadaayo baaritaanka, waxa ayna koox waliba dooneysaa in guusha baaritaanka ay dusha saarato.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com