27.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Sacdiya Macallin oo la sheegay inay xaalad quus ah ku wajahayso xabsiga

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sacdiya Macallin Cali oo muddo ka badan bil ku xiran xabsiga dhexe ayaa xaalad adag ku wajahaysa xabsiga, sida uu sheegay Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed.

Guddiga oo xabsiga ugu tegay Sacdiya ayaa walaac xooggan ka muujiyay sii socoshada xarigga iyo xaaladda Sacdiya Macallin Cali, oo uu sheegay in aan wax dacwad ah aan lagu soo oogin.

“Sida ku cad war-saxaafadeed uu Xafiiska Xeer Ilaalinta soo saaray 6-dii Maajo 2026, Sacdiya waxaa loo haystaa eedeymo la xiriira sumcad-dilid iyo kicin bulsho. Hase yeeshee, guddigu wuxuu walaac ka muujinayaa in ilaa iyo hadda aan wax dacwad ah lagu soo oogin Sacdiya, isla markaana aanay muddeysneyn dhageysiga dacdwadeeda, taas oo lid ku ah xaqa ay u leedahay garsoor caddaalad ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay guddiga.

Guddiga ayaa sheegay in Sacdiya u sheegtay in xabsiga dhexdiisa dhibaatooyin loogu geystay, sida ciqaab, cabsi-gelin, cunto yari, ciriiri, nadaafad-xumo, hawo yari, iyo xaddidaad lagu sameeyay booqashooyinka qoyskeeda.

“Sidaas oo ay tahay guddigu ma xaqiijin karo eedeymahaasi, waxaana uu ku baaqayaa in baaritaan buuxa oo madax-bannaan lagu sameeyo, si looga gun gaaro,” ayaa la sii raaciyay qoraalka guddiga.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryam Qaasim ayaa si cad u sheegtay in xariggu uusan ka xayuubin qofka xuquuqdiisa aas-aasiga ah.

“Qof kasta oo xiran wuxuu weli xaq u leeyahay karaamo, in loola dhaqmo si bani’aadannimo leh, inuu helo daryeel caafimaad, xiriir qoys, iyo ilaalin sharci oo buuxda sida ay dhigayaan shuruucda dalka iyo kuwo caalamiga ah,” ayey tiri Dr. Maryam Qaasim.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka:

Booqashada Guddiga ee Xabsiga Dhexe iyo Xaaladda Sacdiya Macallin Cali

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) wuxuu walaac ka muujinayaa sii socoshada xarigga iyo xaaladda Sacdiya Macallin Cali, oo muddo ka badan bil ku xiran Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, wax dacwad ahna aan lagu soo oogin.

Guddiga isagoo gudanayo waajibaadkiisa dastuuriga ah ee ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha, wuxuu 29-kii Abriil 2026 booqday Xabsiga Dhexe ee Muqdisho si uu ugu kuurgalo xaaladda xabsiga, waxna uga ogaado xaaladda Sacdiya.

Guddigu wuxuu warbixin ka dhageystay masuuliyiinta Ciidanka Asluubta iyo Xabsiga Dhexe, isla maraakana waxa uu xog-wareysi gaar ah la yeeshay Sacdiya iyo qareenkeeda oo uu si gaar ah ula kulmay.

Sida ku cad war-saxaafadeed uu Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranku soo saaray 6-dii Maajo 2026, Sacdiya waxaa loo haystaa eedeymo la xiriira sumcad-dilid iyo kicin bulsho. Hase yeeshee, guddigu wuxuu walaac ka muujinayaa in ilaa iyo hadda aan wax dacwad ah lagu soo oogin Sacdiya, isla markaana aanay muddeysneyn dhageysiga dacdwadeeda, taas oo lid ku ah xaqa ay u leedahay garsoor caddaalad ah.

Sacdiya waxay Guddigu u sheegtay in xabsiga dhexdiisa dhibaatooyin loogu geystay, sida ciqaab, cabsi-gelin, cunto yari, ciriiri, nadaafad-xumo, hawo yari, iyo xaddidaad lagu sameeyay booqashooyinka qoyskeeda.

Sidaas oo ay tahay Guddigu ma xaqiijin karo eedeymahaasi, waxaana uu ku baaqayaa in baaritaan buuxa oo madax-bannaan lagu sameeyo, si looga gun gaaro.

Guddigu wuxuu xusuusinayaa hay’adaha ay khuseyso in dastuurka, xeerarka dalka iyo kuwa caalamiga ah ee Soomaaliya qaybta ka tahay, ay dhammaantood dammaanad qaadayaan xaqa xorriyadda hadalka iyo badbaadada qofka, iyo sidoo kale xaqa helitaanka dhageysi caddaalad ah iyo habraac sharciyeed oo sax ah. Xuquuqahaasi waxay quseeyaan dhammaan dadka, oo ay ku jiraan maxaabiista.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryam Qaasim ayaa tiri: “Xariggu kama xayuubiyo qofka xuquuqdiisa aas-aasiga ah. Qof kasta oo xiran wuxuu weli xaq u leeyahay karaamo, in loola dhaqmo si bani’aadannimo leh, inuu helo daryeel caafimaad, xiriir qoys, iyo ilaalin sharci oo buuxda sida ay dhigayaan shuruucda dalka iyo kuwo caalamiga ah.”

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka wuxuu ugu baaqayaa hay’adaha ay khusayso inay xaqiijiyaan in si buuxda loo dhowro xuquuqda Sacdiya iyo dadka la midka ah, iyadoo la dedejinaayo hanaanka garsoorka, si waafaqsan habraacyada sharciga ah ee dalka.

Guddigu wuxuu sii wadi doonaa la socodka xarigga iyo xaaladda Sacdiya iyo guud ahaan maxaabiista, isaga oo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah.

- Advertisement -

Read more

Local News