Xog: Xasan oo amray in la baaro xildhibaannada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa amar adag kusoo rogay Xildhibaanada ka tirsan BFS ee ka dhoofa Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Warqad kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Xassan oo loo qeybiyay Xafiisyada Dowlada ee khuseeya arrimaha garoonka iyo Sirdoonka Somalia ee ka howlga garoonka ayaa waxaa lagu amray in baaritaano xoogan lagu sameeyo Xildhibaanada ka dhoofa Garoonka ee kusii jeeda dalka dibadiisa.

Amarka kasoo baxay Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa waxa uu ujeedkiisu ahaa in baaritaano lagu sameeyo Dukumiintiyada ay ku safrayaan Xildhibaanada, Boorsooyinkooda iyo Goobaha ay ku safrayaan.

Qaar kamid ah Xildhibaanada BFS oo amarkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Madaxweyne Xassan Sheekh uu ku xadgudbay awooda Baarlamaanka Somalia.

Xildhibaan Maxamed Yuusuf, oo kamid ah Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa sheegay in Xildhibaano ka dhoofeysay Garoonka Aadan Cadde in Madaxweynuhu uu laamaha ammaanku ku amray inay baaraan, hase yeeshee ay taasi tahay mid ka dhan ah xasaanadda Xildhibaanada.

Xildhibaan Maxamed Yuusuf waxa uu tilmaamay in amarkaasi kasoo baxay Madaxweyne Xassan uusan garaneynin sababta ka danbeysa, waxa uuna sheegay in xiliyada ay Safrayaan la fatasho Dukumiintiyadooda iyo dhammaan waxa ay wataan.

Dhanka kale, Xassan Sheekh ayaa sheegay in Dowladu ay wado qorshe cusub, oo ay wax kaga qabaneyso ammaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com