29.9 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Diyaaradda Daalo oo ay saarnaayeen xildhibaano iyo wasiiro oo ku sigatay inay burburto

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad ay laheyd shirkadda Duulimaadka ee Daalo Airways ayaa maanta ku sigatay inay buburto waxaana badbaadiyey duuliyihii oo si deg deg ah ugu dajiyey Garoon diyaaradeed oo ku yaal Magaalada Nairobi.

Diyaaradda ayaa la sheegay inay soo wajahday cillad xagga matoorka ah waxaana la xaqiijiyey inay saarnaayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Dadka saarnaa diyaaradda guud ahaa ayaa ahaa 120 rakaab waxaana kamid ah ahaa 10 Xildhibaan, 3 wasiir iyo Cabdiraxmaan Tuuryare oo ahaa taliyihii nabadsugidda NISA.

Ciladda soo wajahday diyaaradda ayaa lagu sheegay inay aheyd cillad xagga matoorka ah waxaana lagu wargeliyey garoonka Joma Kenyatta in si deg deg ah dab damis loogu diyaariyo.

Mid kamid ah rakaabkii saarnaa diyaaradda oo la hadlay caasimadda Online ayaa xaqiijiyey inuu ahaa qorshaha diyaaradda inay ku dagto garoonka Wajeer oo lagu baaro diyaaradaha ka tago Soomaaliya ee usii socdo Nairobi.

Shirkadda Daalo Airways ayey ciladaan camal kusoo laalaabatay dhawr jeer ayeyna dhacday sidaan oo kale.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News