Muscat (Caasimada Online) – Diyaaradda Saldanadda Cumaan ee SalamAir ayaa ku dhawaaqday inay bilaabayso duulimaadyo toos ah oo ku wajahan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Duulimaadyadan ayaa toddobaadkii laba jeer la fulin doonaa, maalmaha Axadda iyo Khamiista, iyagoo si rasmi ah u bilaabanaya 3-da Sebtembar 2026. Diyaaradaha SalamAir ayaa si toos ah uga degi doona Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee caasimadda Muqdisho.
Tani waxay noqonaysaa markii ugu horreysay ee shirkadda duulimaadyada qiimaha jaban ee ay leedahay dowladda Cumaan si rasmi ah uga hawl-gasho Soomaaliya.
Shirkaddu waxay sheegtay in qiimaha tigidhada u dhexeeya Muscat iyo Muqdisho uu ka bilaabanayo $208, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah duulimaadyada ugu jaban ee ka shaqeeya khadkaas. Qiimahan jaban ayaa la filayaa inuu kordhiyo tirada rakaabka iyo isu socodka labada dal.
Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid lagu xoojinayo xiriirka dhaqaale iyo kan ganacsi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Cumaan. Sidoo kale, waxay fududeyn doontaa isu socodka ganacsatada iyo qurba-joogta Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Khaliijka.
Soomaaliya ayaa noqonaysa waddankii afraad ee Afrika ah oo ay SalamAir gaarto. Shirkaddu waxay hadda ka hawl-gashaa in ka badan 40 magaalo oo ku kala yaalla Aasiya, Afrika iyo Yurub.
Mas’uuliyiinta shirkadda ayaa sheegay in suuqyada Afrika ay yihiin kuwo muhiim u ah qorshahooda ballaarinta, isla markaana Soomaaliya ay leedahay fursado ganacsi oo sii kordhaya.
Maamulaha guud ee SalamAir, Adrian Hamilton-Manns, ayaa sheegay in duulimaadkan cusub uu ka tarjumayo koboca dhaqaale ee ka socda Soomaaliya. Wuxuu xusay in shirkaddu ay aragto mustaqbal ifaya oo ku aaddan iskaashiga labada dal.
“Soomaaliya sannadihii u dambeeyay waxay sameynaysay koboc iyo horumar dhaqaale oo muuqda. Duulimaadyadeenna tooska ah waxay sii xoojin doonaan dhaqaalaha, waxayna abuuri doonaan fursado cusub oo ganacsi iyo safar,” ayuu yiri maamulaha guud ee SalamAir.
Si kastaba, diyaaraddan ayaa ku soo biiraysa shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah ee ka hawl-gala Soomaaliya, sida Turkish Airlines, Qatar Airways, Ethiopian Airlines, Kenya Airways, Flydubai, Air Arabia iyo Egypt Air.

