Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaaradihii qaadka ka keeni jiray dalka kenya ee imaan jiray Muqdisho ayanan maanta kasoo dagay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana taas lagu macneeyay khilaaf soo kala dhex galay wasaaradda Maaliyadda iyo ganacsatada qaadka keenta .
Ganacsatada ayaa ka cabaaya canshuur kordhin ay sheegeen inay ku sameysay wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya , waxaana maanta 4 diyaaradood oo qaadka ka keena Kenya ka dageyn garoonka diyaradaha magaalada Jowhar .
Baabuur fara badan ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha Jowhar, kuwaasoo diyaar u ah inay qaadka u soo qaadaan Muqdisho oo safar dhanka dhulka ah ku geeyaan, taasoo noqoneysa markii u horeysay muddo 7 sanno ah oo qaadka safar dhulka lagu geeyo, tan iyo xiritaankii garoonka diyaaradaha ee Nambar 50.
Tani waxay albaab cusub u fureysa Maamulka Hirshabeelle oo ka faa’ideysanaya isku dhaca Ganacsatada Qaadka iyo dowladda Dhexe, gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda oo canshuuro xad dhaaf ah ku soo rogtay Qaadka Muqdisho laga dejiyo.
Qaar ka mid ah Ganacsatada Kenya ka keena qaadka ayaa cabasho ka muujiyay canshuuraha xad dhaafka ee lagu soo rogay Qaadka, iyadoo halkii Kiilo Qaadka la canshuuro 53,00 oo shiling Somali una dhigma Dollar ahaan $2.5 (Labo Dollar iyo Bar) waxaana maal mihii u dambeeyay sii xoogeysanyay khilaafka wasaaradda iyo ganacsatada qaadka .
Jowhar ayaa markii hore qaadka wuxuu ku gaari jiray safar dhulka ah laakiin maanta diyaaradaha qaadka aya garoonka Jowhar geeyey waxaana uu ugu tagay safar cirka ah , halka Muqdisho safar dhulka ah uu ugu imaan jiray , iyadoomarkii hore safarcirka ah ugu imaan jiray .
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

