25 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Doctor Yuusuf Axmed oo lagu dilay Kismaayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta maamul goboleedka Jubbaland ayaa sheegaya in Dr. Yuusuf Axmed (Yuusuf Yare) lagu dilay aaga lagu magacaabo Fiyo Af-Madoow ee magaaladaas.

Dhaqtarka oo si weyn looga yaqaanay magaalada Kismaayo ayaa waxay xalay dilay kooxo ku hubeysnaa bastoolado, sida ay Caasimada Online u sheegen dad goobjoog ah.

Dableyda fulisay dilka ayaa iskaga baxsaday goobta ay ku dileen Dr. Yuusuf Yare, halkaasi oo ay gaareen ciidamo ka tirsan booliska oo ka bilaabay howl-galo lagu baadi-goobayo dableydaas.

Dr. Yuusuf Axmed ayaa kamid ahaa dhaqaatiirta ka howl-gasha magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland, isla markaana magac weyn ku lahaa bulshada magaaladaasi.

Waxa bilooyinkii u dambeeyay magaalada Kismaayo kusoo badaneyay dilalka qorsheysan ee loo geysanayo shaqsiyaadka magaca leh, iyada oo kal hore sidan oo kale ay dabley hubeysan magaalada ku dileen maamulihii xarunta shirkadda Amal ee Kismaayo Cabdullaahi Cabdisalaan Shigshigow.

Maamulka Jubbaland ayaa inta badan balan-qaada inay cadaalad hor keeni doonaan kooxaha dilalka ka fuliya Kismaayo, inkasta oo aysan jirin ilaa hadda dad lala xiriirinayo dilalkii u dambeeyay oo gacanta lagu soo dhigay.

- Advertisement -

Read more

Local News