SHAACIN: Document Caasimada Online ay heshay oo mujinaya lacagta Somalia loogu tala galay 2014-ka (Waa imisa?)

Nairobi (Caasimada Online) – Document ay Caasimada Online kasoo xigatay Financial Trucking Service, oo ah hay’ad uruurisa xogta lacagta deeq bixiyayaasha caalamka ay siiyaan dalalka kale, ayaa muujinaya wax lagu sheegay gar gaarka Somalia loogu tala galay 2014.

Inta badan lacagta reer galbeedka ay sheegaan inay siiyaan Somalia, ma ahan mid muuqata oo la arka, sida tan Turkey-ga, hase yeeshee waxaa sanadkan Somalia gaari doono, haddaan raacno sida ay yiraahdeen lacag ku dhow 952 million oo dollar.

54% boqolkiiba, lacagtaas waxa ay ka iman doontaa, haddiiba ay dhacdo Midowga Yurub, oo bixinaya in ka badan 50 million oo dollar.

United Kingdom oo ku dhowaad 25 million oo dollar bixin doonta, ayaa macnaheedu yahay 27% deeqda Somalia lagu magacaabay in la siin doono sanadkan.

Waxaa kale oo dalalka bixinaya lacagtaas ka mid ah, Italy, Denmark, Kuwait, Switzerland iyo Japan.

Waxaa xiiso leh in Mareykanka, oo ah deeq bixiyaha ugu weyn dunida, uu Somalia ugu talagay 0 dollar.

Xusuusnow, Turkey-ga ayaa Somalia ku bixiyey 95 million dollar sanaddii 2012, oo ah in ka badan dhammaan dalalkaasi oo la isku geeyey, ayada oo 50 million oo ka mid ah si toos ah loo siiyey dowladda federaalka, halka inta kalena lagu bixiyey dib u dhiska iyo mashaariicda Muqdisho.

Halkan ka arg documents-ka oo dhammeystiran.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com