Document : DF oo kheyraadkii badda Somalia ka iibisay shirkad gaar loo leeyahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka ayaa saxiixay heshiis shirkad gaar loo leeyahay lagu siiyey bixinta shatiyada kalluumeysiga ee xeebaha Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa waxaa la siiyey shirkad lagu magacaabo Indian Ocean Tuna Commission oo saami badan ay ku leeyihiin saaxiibka dhaw ee madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee Fahad Xaaji Yaasiin iyo Cabdirasaaq Axmed Sheekh Maxamuud Shoolle oo ah agaasime ku xigeenka madaxtooyada Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa shirkadda ay saamiga ku leeyihiin Fahad iyo Shoole loogu saxiixay in ay gebi ahaanba iyaga la wareegaan kheyraadka kalluunka ku jira dhammaan badda dalka Soomaaliya, ayna shatiga siin karaan cid kasta oo ay doonaan.

Arrintan ayaa waxaa sidoo kale ogolaaday maamul goboleedyada Soomaaliya oo heshiiska dhinac ka saxiixay, ayada oo loo ballan-qaaday saami badan inay ku yeeshaan lacagta kasoo xaroota, sida ku cad warqadda heshiiska ay saxiixeen, oo ay Caasimada Online heshay, lana filayo in saxiixa wasaaradda kallumeysiga Soomaaliya oo ka dhiman dhawaan la dhameeyo.

Shirkaddaan oo milkiilayaasheeda ay ka mid yihiin ganacsato u dhalatay dalka Qatar ayaa dhawaan billaabeysa in ay si toos ah ula wareegaan dhammaan bixinta shatiyada kalluumeeysi iyo ka ganacsiga kalluunka dalka Soomaaliya.

Waxay ay shati siin doonaan dhammaan shirkadaha doonaya inay gurtaan kheyraadka badda Soomaaliya, mana jiri doonto xisaab ama xaddi saaran inta ay la bixi doonaan.

Fahad Yaasiin ayaa ku wehlin doonaa ra’iisul wasaare Kheyre socdaal la filayo inuu 13-ka bishan ku tago dalka Qatar, lana filayo in heshiiska lagu dhameystiro.

Halkan Hoose ka aqriso heshiiska lagu iibiyey kheyraadka badda Soomaaliya

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET