Farmaajo oo la yaaban dagaalka xafiiska ra’iisul wasaaruhu kula jiro qaar ka mid ah beelaha Hawiye

Dadka qaar ayaa qaba in madaxweyne Farmaajo uu ku jiro dagaal aargsoosi doon ah laakiin taasi waa fikrad ma dhaleys ah waxaase jira buug ka furan xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo lagu dagaalamaayo beelaha Hawiye qaarkood. (Xisaab hore oo dib loo soo celinaayo).

Si lama filaan ah beesha Murusade ayaa ku heshay doorka Ra’iisul wasaaraha Somalia waxaase ay shaqo Dowladeedkii xafiiska Ra’iisul wasaaruhu isku badashay dagaal ka dhan ah beelaha Hiraab la isku yiraahdo (Habgidir/Duduble/Abgaal.

Marka aad aragto dhaqamada Ra’iisul wasaare Kheyre waxaad is weydiineysa inta ay dhantahay tabashay ay beesha Murusade u qabto beelaha Hiraab.

Shaqo ka ceyrintii Agaasimaha Warfaafinta waxaa laga soo abaabulay xafiska Ra’iisul wasaaraha waxaana markii ay xaaladu xumaatay arinta soo galay madaxweyne Farmaajo oo qaab odeynimo ah ku dhameeyay.

Dagaalka xil ka qaadista ah ee Hanti-Dhowraha waxaa laga soo abaabulay xafiiska Ra’iisul wasaaraha walina waa qasan tahay laakiin Farmaajo ayaa u sheegay odayaasha inuu arintaan si hoose u xalinaayo.

Muran ayaa wali ka taagan qaabkii uu Ra’iisul wasaare Xasan Kheyre u qaabeeyay Gudoomiye kuxigeenada G/Banaadir iyadoo Ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynuhu ku murmeen qaabka ay ku dhacday in Mursade qaato gudoomiye kuxigeenka koowaad ee gobalka Banaadir iyadoo Habar Gidirta Xamar dagan ay 3 jeer ka badan tahay beesha Murusade madaama arinta loo fiirinayay qaabka magaaladda looga kala badan yahay bulsho ahaan.

Waxaa dhowaan muran ka dhashay qorshe uu Ra’iisul wasaare Kheyre doonayay inuu xilka uga qaado madaxa canshuuraha Dakadda Muqdisho Cali Macalin oo u dhashay beesha Saleemaan isagoo rabay inuu siiyay nin Majeerteen ah laakiin waxaa ka hor yimid Wasiirka Maaliyada C/raxmaan Beyle ,wali arintaan waa taagantahay lamana xalin.

Sidoo kale waxaa wali taagan oo Ra’iisul wasaare Kheyre ka shaqeynaya in safiirka Itoobiya laga qaado beesha Sacad ee Habar Gidir oo la siiyo qof Daarood ah si wiilka ay qaarabada yihiin ee Cabdiraxmaan Yuusuf Ceynte loogu dhigo safiirka Kenya.

Waxaa shaqada xafiiska Ra’iisul wasaaraha mid beeleedka iyo aargoosiga u badalay waa Xildhibaan Mustaf Dhuxuloow, Xildhibaan Dhagdheer oo aqalka sare ka tirsan iyo Ra’iisul wasaare Xasan Kheyre oo dhamaan isku reer ah.

Madaxweynaha Somalia oo asbuucan labo jeer la fariistay odayaasha beelaha Hiraab ayaa ka raali galiyay qaar ka mid ah cabashooyinkooda waxaana uu sheegay inuu la hadlaayo Ra’iisul wasaaraha oo arimahaan dagaal isreedka ah masuul ka ah.

Qaar ka mid ah xildhibaanada beelaha Habar Gidir iyo Abgaal ayaa xaqiijiyay in Kheyre iyo xertiisu ay ku jiraan aargoosiga dhacdo hore oo laga soo gudbtay 22 sano ka hor waxaase ay ka digeen in arintaan ay sii jirto.

Farmaajo ayaa balan qaaday inuu xaaladan si toos ah faraha ula gali doono, Dad ku dhow dhow xafiiska Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay inuu madaxweynuhu la yaaban yahay dagaalka uu  xafiiskiiska Ra’iisul wasaaruhu kula jiro qaar ka mid ah beelaha Hawiye.

Dadka siyaasada ka faalooda ayaa rajo xumo ka muujiyay Dowladda cusub kadib markii ay lasoo baxday hab dhaqan aargoosi beeleed ah iyo nin jeceleysi qaawan.

Waxaa Qoray: Maxamed Cali Yuusuf