Kheyre oo sheegay in isaga iyo Farmaajo aysan shaqeyn karin haddii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia, Xasan Kheyre ayaa shaaca ka qaday in isaga iyo Madaxweyne Farmaajo aysan shaqeyn karin.

Kheyre waxa uu tilmaamay inay Hubaal tahay in isaga iyo Madaxweynaha aysan waxba qabankarin haddii la waayo garab istaagii ay ka filayeen madaxda DFS iyo shacabka.

Waxa uu sheegay in dhammaan howlaha Qaranka dusha laga saaray isaga iyo Madaxweynaha, haseyeeshee ay adkaan doonto inay howl qabtaan labadooda oo keliya.

Ra’isul wasaaraha wuxuu sheegay inaysan habooneyn in madaxda kaliya lagu fiirsado wax ka qabashada xaaladda Soomaaliya oo u baahan si wadajir ah in looga qayb qaato xasilinta.

”Waxaan halkaani ka cadeynayaa in Ra’isul wasaaraha iyo Madaxweynaha aysan waxba qabankarin, waayo waxaa ii muuqda in howlaha oo idil nalagu fiirsaday taasina kama soo bixi doonto natiijo wanaagsan”

Madaxda Wasaaradaha, Siyaasiyiinta iyo Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay ka qeybqaatan howlaha lagu raadinaayo xalka dalka oo aysan ka jiifan.

Kheyre waxa uu xusay in dhalinyarada Soomaaliyeed laga doonaayo in ay is abaabulaan oo ay la xisaabtamaan Madaxda dowladda.

Haddalka Ra’isul wasaare Kheyre ayaa imaanaya xili Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu dalbaday in si wada jira loo wada qabto howlaha Qaranka.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET