Hanti dhowrihii xilka laga qaaday oo ka dhawaajiyey in xafiiskiisa lagala baxay Documentiyo ka dhan ah Farmaajo iyo Kheyre

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hanti-Dhowrkii Guud ee Qaranka Nuur Faarax Jimcaale ayaa sheegay inuu ku howlan yahay u gudbinta Maxkamadda Sare ee dalka dacwad ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre, wuxuuna hadalkaas ka dhawaajiyey xilli uu wareysi siinayey mid kamid ah warbaahinta Soomaaliyeed.

Wuxuu Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha ku eedeeyey inay si sharci darro ah u jabsadeen xafiiskiisa, isla markaasna lagala baxay Documentiyo oo uu sheegay inay qaarkood ka dhan ahaayeen xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha, midaas ay noqoneyso xad gudub ka dhan ah dowladnimada iyo nidaamka dowliga ah.

“Ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyadda oo ku shaqeeynaya amarka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa xafiiskeyga jabsaday oo la baxay documents-yo, iyo agab kale oo qaas, waana tallaabo madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ugu xadgudbeen sharciga iyo nidaamka dowliga ah”ayuuu yiri Nuur Faarax oo u warramayey jowhar.

Wuxuu tilmaamay inuu ku howlahan yahay saacadaha soo socdo inuu dacwad u gudbiyo Maxkamadda sare ee dalka si wax looga qabto arrinta uu sheegtay in lagu sameeyey.

“Waxaan ku howlalnahay u gudbinta Maxkamadda Sare ee dalka dacwad ka dhan ah Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaare oo ku takrifalay sharciga iyo awooddii dalka. Sida la wada og-yahay waxay jabsadeen xafiiskeyga cabsi ay ka qabaan documents-yadda ay la baxeen dartood, Haddii EEBBE yiraah, saacadaha soo aadan dacwada waan u gudbin doonaa Maxakamadda Sare”ayuu yiri Nuur Faarax.

Hadalka kasoo yeeray Nuur Faarax ayaa ah mid horey looga sugayey, waxayna dadka falanqeeyo siyaasadda sheegeen in Nuur uu yahay nin dhib badan isla markaasna kaarto badan, wuxuu diiday inuu furaha xafiiska wareejiyo isagoo raadinayey in xafiiskiisa la jabiyo, waxaana dowladda Soomaaliya waajib ku ah inay socoto shaqada dowladda maadaam Xafiiskiisa uu ka mid yahay dowladda .

Sidaas ayeyna dowladda ku go’aansatay inay jabiso xafiiska Hanti dhowraha, si ay u socoto shaqada xafiiska, waxaana xilkaas si kumeel gaar ah  loogu wareejiyey ku xigeenkiisa, sida dhabta ahna maba jirin wax Document ah oo yaalay xafiiska Nuur Faarax kaasoo tilmaamayey wax liddi ku ah Farmaajo iyo Kheyre, waana ninka ugu musuq maasuqa badan dowladda Soomaaliya, wuxuuna mar kasta ku andacoodaa inuu ilaaliyo hantida qaranka isagoo ah ninka ugu badan ee Hantida qaranka lunsado.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET