Odayaasha beelaha Hawiye oo afka caro jabsaday kadib markii shirka London…

Muqdisho (Caasimada Online) – C/laahi Xassan Abuukar Dheere, oo ah afhayeenka dhanka Siyaasada ee Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye, ayaa sheegay in shirka London uu yahay mid xaaraan ah.

C/laahi Xassan Abuukar Dheere, ayaa sheegay in bilowga shirka ilaa iyo hadda dadaalada ay wax ku socdeen ay ahaayen kuwo lagula dhuuntay qol mugdi ah, waxa uuna cadeeyay in Odayaasha Hawiye aysan raacsaneyn wixii kasoo baxa shirka.

Waxa uu sheegay in shirka loo badiyay dhinacyo aan sineyn waxa uuna meesha ka saaray suuragalnimada in shirka uu kasoo baxo natiijo caafimaad qabta.

Waxa uu intaa raaciyay in Maamulka Gobolka Banaadir shirkaasi aanu ku lahayn matalaad, halka maamulada kale ay yihiin kuwo la casuumay.

Waxa uu ayaan darro ku tilmaamay in DFS ay kala ficisho maamulada ka jira dalka waxa uuna ku baaqay in laga xaalmariyo talaabadaasi.

”Shirka London kama fili doono guul waayo waxaa lagu kala saaray Umaddii Soomaaliyeed waxaan Madaxda Qaranka ka doonayaa inay naga jawaab bixiyaan sababta loo laaday kursiga Gobolka Banaadir”

Geesta kale, waxa uu ku baaqay in Odayaasha beelaha Hawiye laga jaahil bixiyo duruufaha keenay in la maamusho maqaamkooda.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET