Xiisadda dilkii uu darawalka Gaafoow uu geystay oo cirka isku shareertay iyo meydka oo la diiday in….

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida aad ku aqrisateen wararkeenii shalay Darawalka Taliyihii hore ee nabadsugidda qaranka Gaafoow ayaa Magaalada Muqdisho ku dilay mid kamid ah kaaliyayaashii  Maxkamadda sare ee Soomaaliya.

Kaaliyaha la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Mursal Cumar Cismaan, waxaana dilay darawalka Gaafoow oo ay isku guri daganaayeen.

Darawalka ayaa rasaas ku furay kaaliyaha oo ay isla daganaayeen guri ku yaal Degmada Waaberi, wuxuuna sidoo kala dhawaacay Haweeney guriga wax ka daganeyd.

Lama oga ilaa hadda sababta rasmiga ah ee keentay inuu Darawalka Gaafoow dilo mid kamid ah kaaliyayaashii Maxkamadda Sare oo deegaan ahaan kasoo jeedo Woqooyiga.

Haddaba ehelada marxuumka la dilay ayaa diiday in la aaso meydka ninka la dilay, waxayna dalbadeen in cadaaladda la hor keeno gacan ku dhiiglihii dilkaan fuliyey oo ah darawalka Gaafdow.

Odayaasha iyo siyaasiyiinta Beesha Murusade, oo ay ugu horeeyaan Gaafoow iyo Mustaf Dhuxulow ayaa shalay Hotel Hayat ee Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay odayaal ka socday beesha marxuumka dhintay.

Waxay dalbadeen Beesha Murusade in arrintaan qaab beeleed loo xaliyo, lana damiyo kiiska dilka uu geystay darawalka Gaafoow si aysan u gaarin dacwadaan dowladda dhexe, waxaana arrintaas ka biyo diiday odayaasha beesha ninka laga dilay.

Shirkii dhex maray Odayaasha labada beelood ayaa kusoo dhamaaday is faham darro, waxayna Beesha marxuumka ka dhawaajiyeen inaan la aasi doonin meydkiisa ilaa ay dowladda Soomaaliya go’aan cad kasoo saarto.

Xiisadda ka dhalatay dilkaan ayaa cirka isku shareertay, waxaana laga yaabaa inay dowladda Soomaaliya so farageliso, maadaama ay horey usoo xirtay ilaaladii Hanti dhowraha qaranka oo dilay wasiirki Howlaha guud ee Cabaas Cabdullaahi Siraaji.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa laga sugayaa inuu arrintaan ka hadlo, si ay cadaaladda u noqoto mid loo siman yahay oo aysan dhinac u leexan, waxayna noqon doontaa mid cadaalad ah haddii maxkamad lasoo taago Gaafoow iyo darawalkii dilka geystay.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET