Sawirro: Maxaa kala qabsaday Jerome Jarre iyo carruurta barakacayaasha Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Somalia socdaal kusoo gaaray Jerome Jarre oo ka mid ah dadka caanka ka ah baraha bulshada iyo ganacsade reer Faransiis oo kaalin muuqata ka qaatay deeq lacageed oo Soomaaliya looga aruuriyay baraha bulshada.

Ninkaani caan baxay ayaa saxaafada caalamka iyo tan gudahaba kasoo dhex muuqday isgoo nasiino la qaadanaaya Sodomeeyo carruura oo ku kala sugan qeybo kamid ah Muqdisho, Hargeysa iyo deegaano kale.

Ninkaani ayaa horjooge u ah ololaha loogu wanqalay ”The Love Army for Somalia”

Waxa uu barihiisa bulshada kusoo bandhigay sawirro uu lasoo galay carruur farabadan oo ku kala sugan Gobolada dalka, waxaana ka dhex muuqday isagoo biyo dhaamis u sameynaaya qoysas sabool ah oo ku barakacay abaaraha.

Waxa uu ka sheekeeyay xaaladaha ka jira Gobolada Somalia, waxa uuna amaanay habdhaqanka shacabka ku dhaqan Muqdisho iyo sida ay u garwaaqsadeen ka shaqeynta amnigooda.

Ninkaani lagu magacaabo Jerome Jarre ayaa kamid ah xidigaha caan baxay ee baraha Bulshada waxaana xusid mudan inuu lahaa fekerka lagu caawinaayay Soomaalida.

Jerome Jarre waxaa kamid ahaa shaqsiyaadka caan baxay ee uu la kulmay Abwaan Maxamed Ibrahim Wargame “Hadraawi” waxaana sawirrada iyo muuqaalada Jerome Jarre iyo caruurta Soomaaliyeed ka muuqda farxad.

Jerome Jarre, waxa uu sidoo kale baraha bulshada ku qiray in Diinta Islaamka tahay nabad iyo erayo kale.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET