25 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Document sir ah: Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo la saftay xubnaha Somaliland oo qaatay go’aan yaab leh

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Muqdisho u jooga muranka ka taagan xubnaha Aqalka Sare ee gobollada Waqooyi ayaa qaaday tallaabo aan laga fileyn, kadib markii uu ku biiray garabka siyaasiyiinta Waqooyi.

Qoraal hordhac ah oo ay heshay Caasimada Online, ayaa waxaa uu ka hadlayaa codsi beelaha kasoo jeedaa gobolada Somaliland kaga dalbanayaan madaxda madasha Somaliyeed, beesha caalamka, Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isal Wasaarha in loo kordhiyo tirada guud ee xildhibanada aqalka sare ku leeyihiin, lana siiyo saddex meelood meel ama 18.

Xubnaha ayaa ku doodaya inay qasab tahay in la tix-geliyo nidaamkii hab qaybsiga  dowladnimo Somalia markii ay xornimada qaadatey kaasoo ahaa Koonfur iyo Woqooyi.

Qoraalkaan diyaarintiisa oo ay qayb ka yihiin Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo Xildhibaan Saadiq Garaad ayaa maalmihii lasoo dhaafey ka socdey magaalada Muqdishu.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo xubno xildhibaano ah oo kasoo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa muddo 21 cisho ah joogey magaalada Muqdishu muddo 21 cisho ah baadigoobka kuraas xildhibaano ah ay la wadaagaan beelaha gobolada Woqooyi kasoo jeeda iyadoo wararku sheegayaan in lagu qaunciyey kulamo badan kadib in sida kaliya oo ay ku heli karaan xildhibaano tahay iyagoo kuraas dheeri la raadiya beelahaan taasoo qoraalkaan ku xusan.

Xogta qoraalkaan xambaarsan yahay ayaa sheegeysa in qoraalkaan la diyaariyey kadib markii Madaxweyne ku xigeenka Puntland uu kulamo la yeeshay madaxda dhaqanka, siyaasiyiinta iyo waxgaradka dhamaan beelaha ka soo jeedaa gobolada Woqooyi-Somaliland iyadoo go’aan lagu gaarey qodobada ku xusan lifaaqa waraqdaan.

Tallaabada uu qaaday Camey ayaa macnaheedu yahay in aanu hadda u doodeyn maamulka uu ka tirsan yahay ee Puntland balse uu ku dhinac yahay xubnaha Somaliland.

Halkaan ka akhri qoraalka beelaha Woqooyi diyaariyeen ee uu Madaxweyne ku xigeenka Puntland qayb ka yahay.

[su_document url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/12/12230706104cam.pdf” width=”700″ height=”1300″]

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News