25.3 C
Mogadishu
Thursday, January 15, 2026

Dollar faalso ah oo lagu siri rabay xildhibaanada codka iibsanaya oo lagu qabtay Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgal dhiig ku daatay oo xalay ka dhacay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu soo qabtay warshad lacagta dollarka faalsada ah lagu dhaqo iyo dadkii ku howlanaa falkaasi, lacagtaasoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan howlaha lagu fulin rabay.

Ciidamada NISA oo howlgalkaan fuliyay ayaa waxaa ugu dhintay hal askari, mid kalena uu ugu dhaawacmay, iyadoo kooxda howshaan ku howlaneed sameeyeen iska caabin iyo in ay ka baxsadaan gurigii ay ku sugnaayeen.

Lama sheegin tirada dadka lagu soo qabtay howlgalkaasi iyo cadadka lacagta faalsada dollarka ah.

Maalmihii u danbeeyay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegayay in lacago been abuur ah oo dollar ah magaalada Muqdisho lasoo geliyay si loogu adeegsado ololaha doorashada madaxweynaha iyo in lagu siro xildhibaanada codkooda iibsanaayo.

Magaalada Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka ayaa lagu farsameeyaa lacagaha faalsada ah ee dollarka ka sameysan, iyadoo dadka lagu dhaco, maadaama goobaha ganacsi qaarkood laga helin mashiinada lagu hubiyo sax ahaanshaha lacagaha dollarka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News