Donald Trump oo amar ku bixiyay in dalkiisa laga eryo Saraakiil badan oo Ruushiyan ah

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa amar ku bixiyay in 60 qof oo u dhashay wadanka Ruushka laga saaro dalka, iyadoo khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Ruushka iyo Ingiriiska uu sii xoogeysanayo ka dib kiiska sumaynta nin basaas ahaa.

Waddanka Maraykanka oo taageeraya saaxiibkooda ugu dhow ayaa sidoo kale sheegay in ay xidhayaan qunsuliyada Ruushka ee Seattle taas oo looga jawaabayo isku day dil ah kadib markii maaddo sun ah la qaadsiiyay nin horey u ahaan jirey basaas Ruushka ah Sergei Skripal iyo gabadhiisa.

Labada dhibane ayaa si aad ah u xanuunsanaya oo ku jira isbitaal ku yaala UK ka dib markii la qaadsiiyay sunta neerfaha disha oo nooca milatariga xilli ay ku sugnaayeen magaalada Salsibury ee wadanka Ingiriisiga bishii hore.

“Maraykanku wuxuu qaadayaa tallaabadan – iyada oo aan si wadajir ah ula shaqeeyneyno xulafadeena NATO iyo wadamada saaxiibada kale ee caalamka – islamarkaana looga jawaabayo isticmaalka Ruushka ee hubka kiimikada ah ciidda Boqortooyada Ingiriiska , ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray Aqalka Cad.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com